Dad looga shakin sanyahay Caronavirus oo lakaran tiilay deeganada Puntland

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa shaaciyey inay karantiileen 7 Ruux oo looga shakiyey inay qabaan Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dadkaasi laga shakiyey ee Karantiilka ku jira dheecaan laga qaaday ay baaritaan u direen,isla markaana ay sugayaan jawaabta baaritaan soona gudbin doonaan.

Guddiga ayaa waxaa ay ka codsadeen Shacabka deegaannada Puntland in aysan qarsan Cudurka,sidoo kalena looga baahan yahay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka.