Dad Rayidka ah oo kusii Qulqulaya Guryahooda kadib markii israaiil ay Furtay Marinka Nasiriin.

Dadka rayidka ah ee fasliiniyiinta Magaalada QAZA ku laabanayey kuna sugnaa furitaanka marin-biyoodka Nasiriin ayaa hadda loo ogolaanayaa inay ka gudbaan bar-kontaroolka oo ay horey u dhistay Israa’iil, kaasoo ay maamulayaan hada shirkado amni oo ajnabi ah.

Qeybtaan oo ah dadka wata Gawaarida ayaa marinka ka gudbaya markii ay helaan ogolaansho, kadib baaritaan degdeg ah oo lagu sameeyo ayadoo la adeegsanayo mashiinnada X-ray, dhanka kale tirada gawaarida iyo dadka loo ogol yahay inay ka gudbaan marinkaan ayaa la filayaa inay kordho, inkastoo Safafka baabuurta sugaya in ay Qaza u gudbaan dherer ahaan ay gaarayaan ilaa 5km oo u dhiganta (3 mayl).

Waxaana ay sidoo kale Wariyaasha soo tabinayaan, in ciidanka Israa’iil ay si ku-meel-gaar ah uga baxeen aaggas oo dhowr kiiloomitir u jira waddooyinka ay dadka rayidka ku gudbayaan si ay ugu laabtaan waqooyiga Magaalada Gaza.