Dadaallada Dekedda Muqdisho ay ku shaqeynayso 24 Saac oo socda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa  shir-gudoomiyay kulan looga hadlayo sidii horumarin loogu samayn lahaa shaqada dekadda Muqdisho

Kulankaan waxaa ka qeyb galay Madaxda Dekedda Muqdisho,Wasiiro ka tirsan dowladda iyo Ganacsato.

“Waxaan ka qeyb galay shir muhiim ah oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka looga hadlay  qaabkii ay Dakadda Magaalada Muqdisho 24 Saac u shaqeyn laheyd si dhaqaalaha Dalka uu kordho iyo in aan Ganacsatadeena si wanaagsan ugu adeegno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.