Dadaalo lagu xalinayo khilaafka Golaha Shacabka Oo kasocdo Magaalad Muqdisho

Dadaallo kala duwan ayaa ka socda Xarunta Villa Hargaysa kuwaasoo lagu  doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta qabsoomi lahaa ayaa  baaqday, waxaana la sheegay in tan iyo xalay ay socdeen dadaalo la xiriira xal u helida dhibaatadda ka dhex taagan Baarlamaanka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddoomiye Jawaari ay magacaabeen Guddi loogu tala galay in ay xal u keenaan Khilaafka Baarlamaanka Hareeyay.

Xildhibaanada dhanka Gudoomiye Jawaari uu guddi ahaan u soo dirsaday ayaa la sheegay in ay gaarayaan 7 xubnood, islamarkaana ay la kulmi doonaan Guddi kale oo uu soo magacaabay Muudey.

Guddiyadda ayaa sidoo kale lagu wadda in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha Caalamka  ayaa walaac ka muujiyay khilaafka taagan in loo adeegsado xoog iyo awood maquunin baal marsan xeer hoosaadka iyo dastuurka, waxaana xiriiro ay la soo sameeyeen Madaxda u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.