Dadka Chad oo Looga dareeray Doorasho.

Dadka Jamhuuriyadda Chad ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray Doorasho taasi oo ka dhigay saddex sano kaddib in hoggaanka Militariga la wareegay talada dalkaas ay dhacayso Doorashada si ay dadku u codeeyaan.

Dalkaan la degay afgambiga ayaa dadkiisa u dareeray codbixinta si ay u doortaan Madaxda waddankaas iyada oo laga cabsi qabo mowjado fowdo ah ama afgambi ah maadaama madaxda joogta ay xil marooqsi ku yimaadeen.

Dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda ayaa sheegay in Mahamat Idriss Deby oo xukunka la wareegay Bishii Abriil sanadkii 2021kii markii ay fallaada dileen aabihiis Idriss Deby ay u badinayaan in uu xilka ku guulaysan doonno.

Waxa uu Shacabka u codaynaya u ballanqaaday in uu xoogga saarayo Amniga, adkaynta sharciga iyo kordhinta waxsoosaarka korontada oo ah dhibaatada ugu wayn ee Dadka Dalkaas ay la daala-dhacayaan marka la eego xaaladaha ugu badan ee waddankaas ka jira.

Mucaaradka isbaddel doonka ah ayaa xoogga saaraya sidii ay usoo jiidan lahaayeen dadka codaynaya iyaga oo ka faaiidaysanaya daldaloolka muuqda ee dhinaca Xukuumadda sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka sida dhow ula socda xaaladda Dalkaas.