Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee soo gaaray Dad dibadbax rabshado watay ka dhigayay Magaalada Dhaka ee Caasimadda Dalka Bangladesh waxaana laga cabsi qabaa in markale isku dhacyo xooggan ka dhacaan halkaas.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa geeriyootay kaddib markii waxyeello kasoo gaartay Sunta dadka ilinka ka keento ee Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Booliiska u adeegsadeen Dadkaas taas oo sababtay in qaarkood neeftu ku dhegto.
Warar kale ayaa sheegaya in Dadka qaar jirkooda waxyeello darran kasoo gaartay rasaas nool-nool oo loo badinayo in ay Ciidamadu adeegsadeen markii xaaladdu ku adkaatay kuna qasbanaadeen in la xakameeyo Dadkaas.
Rabshadaha ka dhacay Bangladesh ayaa diiwaanka ku galay in ay ahaayeen kuwii ugu darnaa ama ugu xoogganaa ee Dalkaas ka dhacay, Dadka ayaa ka cabanayay in la gacan-bidixeeyay nidaamaka shaqada ee Dowladda oo Dad gaar ah la naas-nuujiyay.
Dadka ayaa dalbaday in lasoo afjaro oo meesha laga saaro ku talagalka ah in 30% shaqada Dowladda ee la siinayo qaraamada ama ehelka Dadkii kasoo dagaallamay dagaalkii Madaxbannaanida Bangladesh ee sanadkii 1971dii.