WARBIXINO CAJIIB AH: Sahanno kala duwan oo la sameeyey Inta badan Shacabka Mareykanka oo diidan weerarrada Iran
Sahanka 1-aad waxaa sameeyey: Reuters iyo Ipsos kaasi ayaa muujiyay in 43% dadka Mareykanka ay diidan yihiin weerarrada militari ee lagu qaaday Iran, halka qiyaastii 25% kaliya ay taageereen.
Sahanka 2-aad oo ay sameysay CNN: Â ayaa asna muujiyay in ku dhowaad 60% dadka aragtidooda la aruuriyey ee Mareykanka ay diidan yihiin tallaabada militari.
Sidoo kale, inta badan dadka la wareystay waxay sheegeen in Donald Trump uusan lahayn qorshe cad oo ku saabsan sida loo maareynayo xaaladda Iran.
Sahannadaan cusub ayaa muujinaya in inta badan dadweynaha Mareykanka ay diidan yihiin weerarrada Iran, halka dood adag ay ka socoto gudaha Mareykanka oo ku saabsan siyaasadda Madaxweyne Donald Trump iyo Khataraha kale ee manta Magaca Dowlada mareykanka iyo dadkiisa ay wajahayaan.
