Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanka Guudoole ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Guudoole ee Gobolka Galgaduud, oo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan afar (4) qof iyo dhaawaca toban (9) kale, kuwaas oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiyaadkii dagaalamay.

Odoyaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, iyagoo ka digay in dagaallada iyo dilalka aanooyinka sii kordhaya ay halis ku yihiin nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. Waxay ugu baaqeen maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ah in ay gacan ka geystaan daminta colaadda iyo dib u heshiisiinta beelaha dirirtu u dhaxeyso.

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada iyo dilalka la xiriira aanooyinka ee ku soo batay gobolka, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu wado dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo colaaddaas.

Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku howlan qorshe lagu diyaarinayo ciidamo federaal ah oo loo dirayo deegaannada uu dagaalku ka dhacay, si loo dhaqan geliyo xabbad-joojin iyo nabad waarta loogu soo celiyo deegaanka Guudoole.