Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay.

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka dhacay dagaal beeleed dhexmaray labo maleeshiyo oo la sheegay in ay is hor fadhiyeen maalmihii lasoo dhaafay sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Mar qura ayay is qabsatay rasaasta fud-fudud ee Maleeshiyaadkaas hubaysan ay haystaan waxaana Magaalada Buurhakaba isaga baxay Dadka deegaanka kaddib markii cabsi xooggan ay ka muujiyeen waxyeellada kasoo gaari karta dagaalka.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday waxaana dhaawacmay labo kale oo dhammaantood ah maleeshiyaadkii dagaalamay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kasii kordha maadaama Dadka rayidka ah ay ku dul dagaalameen.

Kahor dagaalka waxaa socday dhaqdhaqaaq ciidan oo labada maleeshiyo-beeleed ay ka wadeen Degmada Buurhakaba waxaana dhinac socday dedaallo kala duwan oo Madax-dhaqameedku dhankoodu ay wadaan.

Weli ma jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed inkasta oo ay socdaan dedaallo lagu dhalinayo xabbad-joojin si loogu kala dab-qaado dhinacyadaan hubaysan ee dagaalamaya.