Deegaanka Dararwayne ee Gobolka Sanaag waxaa dib ugu soo cusboonaaday dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo-beeleed oo dhowr jeer dib u heshiisiin laga dhex sameeyay kaddib markii dagaalkooda ay ku baxeen Odoyaal dhaqameedka labadaas Beelood.
Ugu yaraan 3 qof ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen tiro kale kolkii uu dagaal dhexmaray maleeshiyo-beeleed hubeysan oo muddo kooban halkaas ku dagaalamay waxaana weli deegaanka ka taagan raadadka laga dhaxlay dagaalkaas.
Dagaalkaan waxyaabaha dib usoo cusbooneysiiyay ayaa lagu sheegay Dilal la xiriira aanooyin oo ka dhacay deegaannada miyiga ah ee ay degaan beelahaan Maleeshiyaadkooda ku dagaalamaya Deegaanka Dararwayne.
Ilo kale ayaa shaaciyay in dagaalkaan markii hore uu kasoo billowday Dhul ay isku qabsadeen Dad kasoo jeeda labada Beelood oo markii dambe ku faafay deegaanno markii hore xasiloonaa oo ay labada dhinac kala degaan.