Dagaal beleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka mudug.

Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi.

Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhawaacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo sanadkii hore ee 2023-kii beelaha dagaalamaya lagala dhex dhigay heshiis, balse haatan u muuqda mid burburay.