Dagaal Ciidamada dowlada iyo Al-shababb Kudhexmaray Gobolka bakool

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceelgaras ee Gobolka bakool ayaa waxa ay sheegayaan halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan ciidamada ay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.