Dagaal Ciidanka dowlada iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Degaanka Bariire

Wararka laga helayo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta Barqadii ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah & Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kdib markii Al-Shabaab ay Maanta barqadii weerareen Saldhig ay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB deegaankaasi ku leeyihiin,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo socday.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ee Maanta ku dagaalamay deegaanka Bariire oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye balse ay cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegteen inay weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Buundada Bariire,isla markaana ay halkaasi kula dagaameen Ciidamada dowladda, iyaga oo sheegtay inay weerarkaas ku dileen laba askari.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan

Deegaanka Bariire oo ka mid ah  deegaanada hoostaga degmada Afgooye ayaa dhowr bilood ka hor waxaa Ururka Al-Shabaab kala wareegay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta Soomaaliya,kuwaas oo weli gacanta ku haya deegaankaas.