Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale dib uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.
Dagaalka ayaa salka ku haya colaad ka dhex taagan beeaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabiil.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday xaafad horleh oo ka tirsan magaalada, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
“Dadka is dagaalayo Garre iyo Jiide waayay, darraad ayaa magaalada dagaal ka dhacay afar qof oo Garre ah ayaa lagu dilay weli xabadda way socotaa” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu saameyn ku yeeshay degmada Qoryooley, waxaana hakad galay goobaha ganacsiga iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa degmada.,