Dagaal ka dhacay Gobolka Bari oo u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo Daacish.

Iska horimaad culus ayaa ka dhacay deegaanka Togga Walisoor ee Gobolka Bari, halkaas oo uu dagaal toos ah ku dhexmaray ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland iyo kooxda Daacish. Dagaalkaas ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac, inkasta oo aan weli la helin tiro rasmi ah oo la xaqiijiyay.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan kooxda Daacish kadib dagaalka, isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka lagu dagaalamay.

Wararka laga helayo dhinaca Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in uu ku dhintay Nabadoon Cabdi Hayaan, oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee ka qeyb qaadanayay howlgallada milatari. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in laba kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay sii kordhinayso howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas oo haatan maraya wajigii saddexaad. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhawaan ku baaqay in taageero buuxda la siiyo ciidamada howlgalka ku jira si loola wareego amniga deegaannada ay kooxdani ku dhuumaaleysaneyso.