Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan AMISOM iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa saaka ka dhacay degmada Baardheere oo katirsan Gobolka Gedo.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Xerada Ciidamada Itoobiya ee degmada Baardheere, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in hubka cul culus iyo midka fudfudud dagaalka leysku adeegsaday.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka soona gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad rayid ah balse aan laga helin faah faahin rasmi ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay hubka cul culus iyo tiro hoobiyeyaal ah ay ku tuurayeen duleedka degmada Baardheere kadib weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.