Dagaal Kadhacay Degmada Marko Ee G/Shabeelaha dhexe

Dagaal kooban oo daqiiqado socday ayaa Maanta markale waxa uu ka dhacay gudaha degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaas oo salka ku haya xiisad maalmahaan ka taagneyd degmadaas.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay u sheegeen warbaahint in mar qura ay ka warheleen dagaal ka socda gudaha degmada,hayeeshee uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas maanta markale ka dhacay degmada balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaad is abaabulay ay weerareen Xarunta degmada,hayeeshee ay iska difaaceen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in dagaalkii Maanta ka dhacay degmada Balcad uu ku lug leeyahay xiisadii u dhaxeysay isaga iyo Xoghayaha degmada Balcad taas oo dhawaan sababtay in dagaal uu ka dhaco degmada.

Guddoomiye Qaasim furdug ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle uu ku wargeliyay xiisada ka taagan Balcad,hayeeshee aan weli waxba laga qaban marka laga reebo xubno wafdi ah oo loo diray,sidoo kalena ay dhawaan imaan doonaan Xubno kale..