Dagaal kadhacay G/hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo maanta markale dib uga qarxay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, waxayna dagaaladan daba socdeen dagaal kale oo shalay ka dhacay degaano ku teetsan magaalada Beledweyne.

Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidanka Jabuuti oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo Al Shabaab ayaa marka hore ka bilawday wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Beledweyne iyo degaanka Halgan, kadib markii weerar dhabagal ah ciidankan loo dhigay.

Sidoo kale ciidanka Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa markale wuxuu dagaal kale ku qabsaday degaanka Nuur Fanax, dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool ayaa waxa ay sheegeen inay arkeen meydadka tiro ciidan ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaasi oo aan la xaqiijin dhinaca ay ka tirsan yihiin.

Dagaaladan oo xoogooda uu ka dhacay degaanka Burdaar ayaa waxaa la soo sheegayaa in la isku adeegsaday hubka culus, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo dhinacyadan soo kala gaaray, balse aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan ciidanka weerarka lala eegtay inay ku hakadeen degaanka Nuur Faarax oo ay baaritaano ka wadaan, saacadaha soo socdana la filayo inay sii wataan socdaalkooda.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in dagaaladan ay jiraan, dibna ay ka bixin doonaan faah faahinta khasaaraha ka dhashay, maadaama hada ay socdaan baaritaanada la xiriira dagaaladan.

Al Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen in weeraro culus ay la heleen ciidanka Jabuuti iyo kuwa Itoobiya, ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Ciidanka Jabuuti iyo kuwa Itoobiya caqabada ugu weyn ee ay la kulmaan ayaa waxa ay tahay weerarada jidgalka ah ee kaga imaanaya ururka Al Shabaab, marka ay ku socdaalayaan degaanada gobolka Hiiraan.