Dagaal kadhacay Magaalada Beledweyne

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada gudaheeda gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay dagaal khasaare kala duwan geystay.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii rag maleeshiyaad ah oo ku heyb ah Mooto Bajaajle shalay lagu dilay bartamaha magaalada ay weerareen saldhigga Booliska magaalada Beledweyne.

Raggan ayaa tan iyo shalay waxa ay ku hareereysnaayeen saldhigga Booliska, waxayna ku doodayeen in banaanka loo soo saaro askariga dilay Yaasiin Cali Saney oo ahaa Mooto Bajaajle.

Dad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in labada dhinac uu dhexmaray dagaal daqaiiqado kooban socday, oo uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan.

Wariyeyaasha magaalada ayaa waxa ay soo sheegayaan in tan iyo shalay magaalada laga dareemayo saan saan colaadeed oo ka soo bilaabatay dilka ka dhacay, wadooyinka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay xiran yihiin.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaa hadda aanan soo fara gelin xiisada ka taagan magaalada Beledweyne, maadaama isaguba uu heysto culeys la xiriira mooshin ay ka wadaan Baarlamaanka Hirshabeelle.