Dagaal Kharaar Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Sarkaal lagu dilay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro culus oo ay Al-Shabaab maanta ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weeraradan usoo abaabushay si qorsheysan, waxayna kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray.

Weerarka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ay ciidamada Boolis Milataaro ku lahaayeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo xubnaha weerarka soo qaaday.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa isna lagu qaaday fariisin ay ciidanka Harmacad ku leeyihiin deegaanka Dhanaane, halkaas oo iyana lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay ee ay kusoo duuleen Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada boolis milataaro iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad ay howlgalo ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

Sanad kahor Al-Shabaab ayaa sidan oo kale weerar loo adeegsaday qarax ugu dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo xilligaas oo howlgal ka waday inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye, gaar ahaan dhulka beeraha ee aagga Basra.