Dagaal markale maanta ka qarxay magaalada Laas-Caanood

Maalintii labaad ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa la magac baxay  xoogagga SSC,

Dagaalka ayaa maanta ka duwan kii shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyigana u badan yahay.

 

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen Magaalada ay koranto la’aan tahay, iyada oo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaarsiiya.

Somaliland iyo xoogagga SSC ee dagaalamaya ayaan weli hadlin, waxaana Maanta Maalintii labaad ee xaalad cakirnaan ah ka taagan tahay Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.