fbpx
Home Wararka Maanta Dagaal Markale Dib uga Qarxay Degaanka Kaxandhaale

Dagaal Markale Dib uga Qarxay Degaanka Kaxandhaale

Dagaal ayaa lagu soo waramayaa in uu ka bilowday degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa si aad ah looga maqlayaa agagarka kaxandhale sida ay xaqiijiyeen dad goobjogayaal ah oo aan la xariinay.

Dagaalka hadda socda ayaa waxaa u dhaxeyaa laba beelod oo halkaas wada daga kuwasi oo isku haysta dhul Halkaasi ku yaalla.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa xaalad dagnaasho laga dareemayay halka uu dagaalka uu ka socdo kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay iyadoona dagaalka u dambeyay uu geystay khasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaawac .