Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka dib ugu qarxay galbeedka gobalka Mudug, gaar ahaan meel lagu magacaabo deegaanka Jiicboor oo ah dhul miyi oo 20-km u jira Goldogob.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyo laba beelood oo wada dega oo soohimo wadaag ah, iyada oo laga soo sheegayo in tiro ka badan toban ruux in ay ku naf waayeen dagaalka, Dhaawacyo aad u badan ayay labada dhinac kala geeyeen Gaalkacyo iyo Galdogob, waxaana saacad walba sii kordhaya qasaaraha ka dhalanaya dagaalkan.