Dagaal Qasaara dhaliyay oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed

Maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ayaa maanta waxa uu dagaal culus ku dhexmaray degaanka Dac-dheer oo ku yaalla xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.

Labada beelood ee dagaalka uu dhexmaray ayaa waxa ay isku heystaan dhul daaqsimeed iyo ceel biyood, sida ay inoo sheegeen wariyeyaal ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan xildhibaanada Galmudug oo qaarkood dhaawacyada ka soo qaaday degaanka Dac-dheer ayaa waxa ay sheegeen in isbitaalada guud ee degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ay yaallaan dad dhaawacyo ah oo rayid iyo dhinacyada dagaalamay isugu jira.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ilaa hadda waxaa ku geeriyootay Sideed qof halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa ciidan nabadeyn ah waxa ay u dirtay degaanka uu dagaalka ka dhacay, waxayna halkaasi u tagayaan sidii ay u kala dhexgali lahaayeen dhinacyadan dagaalamay.

Ilaa hadda ma jirto cid waan waan ka dhex wada labada maleeshiyo beeleed, balse madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Dac-dheer ayaa waxa ay sheegayaan in weli ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalamay, islamarkaana mar walba laga cabsi qabo in dagaal kale uu dhaco.

Degaanka Dac-dheer ayaa waxaa dhawaan ka baxay ciidanka Liyuu boolis ee ismamulka Soomaalida Itoobiya oo kol hore si qasab ah uga barakiciyay dad xoolo dhaqato ah oo halkaasi ku sugnaa.