Dagaal saakay duleedka Magalada Jowhar kudhexmaray ciidamada dowlada iyo Alshabaab

Wararka laga helayo degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu saakay ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka Jowhar, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii saakay waaberigii hore ay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Millateriga ku leeyihiin deegaanka Keli Waraaboow oo qiyaastii 4KM dhanka galbeed uga beegan Magalada Jowhar,waxaana dad ku sugan Jowhar ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Maamulka degmada weli kama hadlin dagaalkaas saakay ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen Lix Askari.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay mudo kooban la wareegeen fariisinka Ciidanka dowladda,isla markaana ay ka qaateen saanad millateri,hayeeshee aysan jirin cid madax bannaan oo warkaasi xaqiijineysa.

Si kastaba weerarka saakay ka dhacay duleedka Magalada Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada Shabeellooyinka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.