Dagaal udhexeeye ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab oo kadhacay Magaalada Baardheere

Sida ay sheegayaan wararka kaimaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya dagaal u dhaxeeya ciidamada Al Shabaab iyo kuwa Itoobiya ayaa wuxuu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere.

Ciidamada Shabaab ayaa waxa ay soo weerareen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere, halkaasi oo Saldhig ciidan ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada ku sugan.

 

Saraakiisha waxa ay sheegeen dagaalkaasi oo xalay dhacay inuu ahaa mid aad u culus, maadaama Ciidamada Shabaab dhawr jiho ay ka soo weerareen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere.

 

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta rasaas culus iyo qoryo waaweyn oo dhanka Garoonka ka dhacaayay, xaalad cabsi ahna xalay ay ku seexdeen.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Itoobiya difaacooda inay ka ridayeen qoryo culus oo ay ugu jawaabayeen ciidamada Shabaab ee weerarka soo qaaday.