Dagaal udhexeeye Ciidanka Dowlada iyo Alshabaab oo kadhacay Baar Sanguuni

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tabaray ee loo yaqaano Bangaraafta iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-marey deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 40 km u jira Magaalada Kismayao ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad.