DHEGEYSO:>Dagaal udhexeeye Dad xooladhaqata ah iyo Al-Shabaab Oo Kadhacay By Radio Dalsan Reporter On May 1, 2018 Share Dagaalkaan u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ka huyaan Ciidamada Jubbland. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas uu ka dambeeyey kadib markii ay Al-Shabaab doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen. Madaxa Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dadka xoolo dhaqatada ah oo ku sugan deegaanka Urungoow oo 7km u jira degmada dhoobleey ay ku soo wargeliyeen Ciidamada Jubbaland dhacdadaas. Ads-resp AKHRISO Sawirro:-Ciiddanka Kenya oo sheegay inay soo badbaadiyeen Tobaneeyo Dhallinyaro Kenyan ka tirsanaa… May 1, 2018 Dhageyso: Warka Subax Ee Radio Dalsan May 1, 2018 Faah faahin laba Askari oo lagu dilay Magalada Muqdisho May 1, 2018 Waxa uu sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo dadka xoolo dhaqatada ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab,isla markaana ay badbaadiyeen dadkii la doonayay in xoolahooda xoog lagu kaxeysto sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay wadada dhinaceeda Miino ku aaseen taas oo geystay khasaaro aad u yar,isla markaana xaalada deegaanka Urungoow ee gobolka Jubbada Hoose ay tahay mid degan. Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi. Audio Player 00:00 00:00 Use Up/Down Arrow keys to increase or decrease volume. Share FacebookTwitterGoogle+ReddItPinterest PREV POST Dhageyso: Warka Subax Ee Radio Dalsan NEXT POST Sawirro:-Ciiddanka Kenya oo sheegay inay soo badbaadiyeen Tobaneeyo Dhallinyaro Kenyan ka tirsanaa Al-Shabaab YOU MIGHT ALSO LIKE More From Author CAALAMKA Sawirro:-Ciiddanka Kenya oo sheegay inay soo badbaadiyeen Tobaneeyo Dhallinyaro… MAQAL Dhageyso: Warka Subax Ee Radio Dalsan WARAR Faah faahin laba Askari oo lagu dilay Magalada Muqdisho MAQAL Dhageyso: Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan MAQAL Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay khilaafka kala… WARAR Faah faahin ka soo baxeysa weerar ka dhacay gobolka Jubbada hoose

Dagaalkaan u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ka huyaan Ciidamada Jubbland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas uu ka dambeeyey kadib markii ay Al-Shabaab doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen.

Madaxa Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in dadka xoolo dhaqatada ah oo ku sugan deegaanka Urungoow oo 7km u jira degmada dhoobleey ay ku soo wargeliyeen Ciidamada Jubbaland dhacdadaas.

Waxa uu sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo dadka xoolo dhaqatada ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab,isla markaana ay badbaadiyeen dadkii la doonayay in xoolahooda xoog lagu kaxeysto sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay wadada dhinaceeda Miino ku aaseen taas oo geystay khasaaro aad u yar,isla markaana xaalada deegaanka Urungoow ee gobolka Jubbada Hoose ay tahay mid degan.

Hoo kadhegeyso codka