Dagaal xalay Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabab ku dhexmaray Degmada Qoryoolay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay, kadib markii xalay Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen hoy ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qoryoolay.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose  Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in dagaalka  ka dhacay  gudaha Degmada Qoryooley ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Degmadaasi ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha degmada Qoryooley.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim oo la hadlay warfidiyeenka ayaa beeniyay in masuuliyiin ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay ka dhacay degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeellaha Hoose.