Dagaal Xalay Kadhacay G\hiiran

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda & kuwa  AMISOM oo dhinac ah iyo  Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay saldhigyo ku yaalla duleedka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda & AMISOM ku leeyihiin duleedka degmadaasi Buulo-Burde,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaro ka soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay maadaama xilli habeen ah aheyd.

Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka degmada Buulo-Burde ayaa u sheegay Radio Risaala in Ciidamada Dowladda & AMISOM iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana Ciidamada ay weli ku sugan yihiin Saldhigyadooda.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan dhankooda kama hadlin dagaalkaas xalay fiidkii ka dhacay degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan,waxaana wararka saakay aan ka heleyno Buulo-Burde ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Dagaalka xalay ka dhacay magaalada Buulo-Burte ayaa imaanaya xilli  Shalay Gelinkii dambe dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka  jalalqasi iyo Buulo-Burte uu khasaaro kala duwan ka dhashay halkaas oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay ku dileen shan askari oo ka mid ah Ciidanka Maamulka Hir-Shabeelle