Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen degmadaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.
Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay inay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ee ay fashiliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro kusoo qaada maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.