Dagaalka sababay burburka Suudaan oo maanta sanad jirsaday

15kii Abriil sanadkii hore 2023 waxaa Dalka Suudaan ka billowday dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Militariga iyo Kuwa ciidanka gurmadka degdega ah ee loosoo gaabiyo RSF oo isku qabtay awoodda maamulka Dalkaas.

Dagaalkaan ayaa meel halis ah geeyay mustaqbalkii iyo bilicdii muuqatay ee Jamhuuriyadda Suudaan waxaana uu galaaftay nolosha Dad badan, waxaa ku barakacay malaayiin ruux halka sidoo kale xaalado adag uu abuuray.

Dhinacyadii dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya mana jiro dhan maanta sheegan kara guul muuqata uu ka gaaray dagaalka waxaana burbur xooggan soo gaaray caasimaddii bilicda badnayd ee waxbarashada & dalxiiska loo aadi jira ee Khartuum.

Khubarrada dhinaca amniga ayaa ka digaya saamayn kale oo weli kasoo gaari karta dagaalka Suudaan Dadka kooban ee rajada aan cagaha badan ku taagnayn ka muujinaya xal u helista colaaddaan oo aanay muuqan raad-raacii loo mari lahaa.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa mashaqo aan dhammaad lahayn ku tilmaamay dagaallada socda iyo in dhinacyada hubaysan ay isku fahmi la’ yihiin dhabbaha ay ku gaari karaan wada-xaajood maadaama la kala adkaan waayay.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan waxaa ka dhashay macluul galaafatay nolosha Dad u badan Carruur & Ciroole (Dad Da’ ah) kuwaas oo waayay cunno iyo biyo caafimaad ahaan wanaagsan waana tan loo sababaynayo in ay geeriyoodaan.