Dalalka deriska la ah Soomaaliya oo maanta ku shiraya Nairobi

Waxaa lagu waddaa in maanta oo Axad ah uu dalka Kenya ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu isugu yeeray Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxaa uu socon doonaa Shirkaan Muddo labo maalmood ah, waxaana lagu waddaa gabagabadda in laga saaro qodobo ay ka mid yihiin Shaqadda Ciidamada AMISOM ay ka waddaan Soomaaliya.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka hadlay sheegay in dalalka qaar ay dhabar jebin ku hayaan guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waddaa in ay shirka ka jeediyaan Khudbado ay kaga hadlaayaan dagaalka Al-Shabaab iyo howlgalka AMISOM.