Dalka Itoobiya oo xaalad degdeg ah lagu soo rogay

Golaha wasiirrada ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah ay dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen.

Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan