Kenya oo Dad hor leh laga helay Cudurka Coronavirus

Kenya waxay xaqiijisay 29 qof oo hor leh oo ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas, Mutahi Kagwe oo saxaafadda Maanta kula hadley Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Guud ahaan dadka la xaqiijiyay ee laga helay cudurka gudaha Kenya waxay gaarayaan 110 qof tan iyo markii uu Cudurkaasi ka dilaacey dalkaas,iyada oo Cudurkaasi ay u dhinteen dad gaaraya 3 Ruux.

Kenya ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii Cudurka Corona laga helay dalkeeda waxaa ay bilaawdey qorshooyin looga hortagayo Cudurka,waxaana Guud haan dalkaasi ka dhaqan galay Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay.