Dalka Masar oo lagu xiray Dhalinyaro Somali ah

Soomaalida xabsiga la dhigay oo tiradooda ay gaareyso 17 Qof ayaa waxaa laga qab qabtay xaafadaha ku yaalla degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.

Sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Qaahira Ciidamada amniga oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay Maqaaxida Soomaalida iyaga oo dadka weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalkaasi, waxayna soo xireen 17 Dhalinyaro wiilal Soomaali ah.

Soomaalida la xir xiray waxaa ku jira wiil asalkiisa uu Soomaali yahay balse heysta dhalashada dalka Mareykanka, waxaana socda dadaalo lagu soo deynayo dhalinyaradan.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.

“Walaal Soomaalida la qab qabtay tiradooda waa 17 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, Ciidamada geesaha ayay ka soo galeen, kadib waxay wateen dadkii, ilaa hadda magaraneyno sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda.” Ayuu yiri Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.

Bilihii ugu dambeeyay Dowladda Masar ayaa bilowday in ay xabsiyada dhigto ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.

Sanadkii tagay 2017 dalka Masar waxaa lagu xir xiray Soomaali Boqolaal gaareysa, xilliyo kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray Arday, Qaxooti iyo dad kale oo caadi ah, waxaana Soomaaliya loo soo tarxiilay dadkii sida caadiga ahaa u joogay dalkaasi.

In ka badan 5,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Masar, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u jooga halkaasi, kuna heysta nolol ku filan.