Dalka Masar Oo Si Aan Horay Loo Arag Looga Dukaday Salaadda Ciidda

Tv-yada Caalamka ayaa Maanta siweyn waxa ay uga hadlayaan qaabka maanta Salaadii Ciiad looga tukaday dalka Masar,taas oo noqotay dhacdo layaab ah oo aan wali ka dhicin dunida Muslimka.

Fagaaro ku yaalla Magalada Qaahira ee dalka Masar ayaa Maanta waxaa halgoob mar qura ku wada dukaday Rag iyo Dumar kala Ajnabi ah,iyada oo aan la kala saarin.

Dhaqanka iyo Diinta Islaamka ayaa mamnuucaya in ay isdhex galaan Ragga iyo Dumarka iskadaa in ay wada dukadaan Salaadaha Faralka Ama Sunada.

Dhacdadaan ayaa amakaag waxa ay ku noqotay dadka muslimiinta ah,sidoo kalana talafashinada dalkaas ayaa baahiyay muuqalo iyo sawiro rag iyo dumar wada dukanaya.