Dalka Sudan Oo kubaaqay in 2020-ka Sudan laga saaro Ciidamada QM

Suudaan ayaa ugu yeertay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay in ay qaaddo xayiraadda ka bixitaanka ciidamada dalkaasi,isla markaana gobolka Daarfuur laga saaro  ciidamada nabad ilaalinta ee jooga halkaasi.

Danjiraha Qaramada Midoobey ee Suudaan Cumar Maxamed Siddig ayaa shalay u sheegay Golaha Ammaanka ee Q M in la joogo waqtigii laga wareegi lahaa nabad ilaalinta ,loona guuri lahaa nabadaynta Darfur.

Danjiraha waxa uu ku baaqay in la soo afjaro xayiraadaha saaran dhaq-dhaqaaqa dowladda ee hubka iyo ciidamada gaar ahaan udaha iyo dibedda gobolka,isagoo intaa ku daray in bisha June ee sanadka 2020-ka la la dhameystiro ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinmta ee jooga dalka Suudaan.

Dabayaaqadii bishii Juun, Golaha Ammaanku wuxuu si wada jir ah ugu codeeyay inuu is-badal ku sameeyo ka bixitaanka ciidamada isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo kuwa nabad ilaalinta ee Darfur,bacdamaa dalkaasi uu la tacaalayay qalalaase siyaasadeed.