Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka,isaga oo sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay u wajaheysa wada-hadalladaaas ay yihiin kuwo aan wanaagsaneyn.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula xiriireyso Odayaasha iyo Beelaha qaar ee Soomaaliland halkii ay madaxda Soomaaliland la hadli laheyd,waxaana uu sheegay in taasi ay sababi karto dagaalo sokeeye.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Puntland ay dowladda Federaalka uga dambeyneyso wada-hadallada,hayeeshee ay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan.
Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saddexdii sano ee la soo dhaafay ee dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farnaajo uusan wada-hadal dhex-marin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.