Dani Oo Golihiisa Wasiirada Faray inay dhaqan geliyaan amar uu kasoo saaray Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kadib shirkii Golaha Wasiirada Puntland waxaa uu Wasiirada faray inay dhaqan geliyaan amar uu kasoo saaray Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Waxaa uu sheegay in marnaba Puntland ogolaan doonin in la deegaamo oo la dhisto dhul daaqsimeed kheyraad farabadan oo ku yaalla deegaanada Puntland,isla markaana ciddii lagu arko tallaabo laag qaadi doono.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo qeyb ka ahaayeen qodobadii looga hadlay Arrinta deegaameynta iyo Shirka maalgashiga Puntland.