Dani oo kormeeray meelaha Ay daadadku Sameeyen Ee Magalada Qardho

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay.