Dani oo lagu soo dhoweeyay muqdisho

 

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la dejiyay xaydaabka Garoonka Aadan Cadde si weyn ay u ilaaliyaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Inta uu Muqdisho ayaa waxaa uu ka qeyb gali doona shir ku saabsan hanaanka doorashooyinka oo lagu waday in lagu soo afjaro khilaaf muddo dheer soo taagnaa.