Dani oo lakulmay Xubnaha ku metala golaha Wasiirada

Madaxweynaha Mamaulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaaay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah, Siihayaha Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xubno kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha ugumuhiimsanaa kulanka oo ay ka wad hadleen Madaxweyne Deni iyo Golaha Wasiirada.