Dani Oo logu soo dhoweeyey Degmada Waaciye

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Degmada Waaciye ee Gobolka KarKaar.

Madaxweynaha oo saaka kasoo kici timay degmada Qardho ayaa ku soo hakaday magaalada Xiddo oo uu kusoo salaamay Xaaji Xuseen Gacayte oo ah odayaasha ugu waaweyn ganacsatada Puntland, caana ka ah Gobolka Barri.

Madaxweyne Deni iyo Wafdigii balaarnaa ee la socdey ayaa soo gaaray degmada Waaciye, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey maamulka degmada kan gobolka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawlad goboleedka  Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaciye, waxaa uu Madaxweynuhu ka mahad celiyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa ee shacabka Waaciye.

“Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa maamulka degmada iyo shacabka Waaciyo sida diiran ee ay noosoo dhoweeyeen iyadoo ay tahay maalin jimce ah, waxaan Alle ka rajaynaynaa madar khayrqaba ummaddiisa u shubo isagaa wax walba deeqsiin kara eh, runtii waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee dadka reer Puntland ugu hawlan yihiin inay nabaddooda ka shaqeeyaan, inay horumarkooda ka shaqeeyaan inay wadada horumarka cagta saaraan”

“Puntland ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba waa sugidda nabadgelyada, dhismaha ciidanka, qaabaynta iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, waxaan rajaynayaa haddii aan gacan idinka helno in nolosha dadkeena tabaalaysan wax iska bedeli doonaan, shaqooyinkii, xuriyaddii, ganacsigii iyo isu socodkii ay soo noqondoonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in cadawga dadka rayid ka ah dhibaataynaya ay sabab u yihiin cadho Alle oo sababi karta abaarta baahsan ee dadkeenu la tabaalaysan yihiin, Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso, waxaana uu ku booriyey inay ka dhiidhiyaan haldoorkooda maalin walba ay dhibaataynayaan argagixisadu, iyagoo isku duubanna ay la shaqeeyaan Dawlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee degmada Waaciye, Maamulka cisbitaalka ayaa goobjoog ahaa, Madaxweynaha ayaa ku booriyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada, isla’markaana u balan qaaday in baahiyaha cisbitaalka si dhow wax looga qabandoono.