Dani Oo safar Aan horay loo Sii Shaacin ku tegaya Magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in safar deg deg ah oo dhinaca cirka ah oo aan horay loo sii shaacin uu ku tago Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Gobolada Bari & Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa haatan ku sugan Magaalada Garoowe oo uu maalin ka hor kusoo laabtay,kadib markii dhawaan uu Magaalada Qardho uu tababar ugu soo xiray  Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.

Booqashadiisa hore ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxaa kuu ku tegi doonaa Magaalada Boosaaso,iyada uu u soo gudbi doono Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo uu maalmo badan joogi doono.

Kulamo kala duwan ayuu la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Maamulada Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo,isaga oo sidoo kale booqan doona xerooyin Ciidan.

Madaxtooyada Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin safarka deg dega ah ee Madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.