Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo faah faahiyey xaaladda Muwaadiniinta ku xiran Liibiya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyey qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Hooyo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Liibiya ay u fasaxday wafdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi ku dhiban, islamarkaana ilaa iyo iminka ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go’an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale”Ayuu yiri Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Mudane Cali Siciid Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in iminka ay bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhiban Liibiya, isagoo intaasi ku daray in inta ay awoodaan ay soo qaadi doonaan

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa xusay iney jiraan dhalinyaro badan oo gacanta ugu jira kooxaha arxan laawayaasha ah ee loo yaqaano Magafe, si dhalinyarada ay heystaan loo sii daayana ay ku dadaali doonaan qorshe walbo oo xoriyadda dhalinyaradaasi lagu heli karo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay Magaalada Muqdisho keentay 11 qof oo laga soo daayay dalka Liibiya, waxaana wali socda dadaallo kale sidda ay sheegayaan Madaxda dowladda.