Danjiraha Somaliya ee Yurub oo booqday Maxaabiista ku xiran xabsiyada Liibiya

Dalka Liibiya waxaa ku sugan Wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi.

Danjire Ali Fiqi iyo Koox la socotay ayaa waxa ay booqdeen Xabsiga Khubz oo ku yaal meel 93 KM u jirta Caasimada Libya ee Tripoli, halkaasi oo ay ku xirnaayeen 83 ruux oo dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira.

Mid kasta oo ka mid ah dhalinyaradaasi wuxuu la kulmay tacadi ay u gaysteen Kooxaha loo bixiyay Magafayaasha, qaarkood waxa ay ka sheekeynaayay dhacdooyin murugo leh, sida saaxiibadood oo hortooda ku nafbaxay maydkoodana ay ka tageen.

Hadaba iyadoo ay jiraan dhibaatadaasi oo waliba dhalinyaradan hadleysa ay ku jiraan xabsiyo dowladda ay gacanta ku hayso, haddana ma doonayaan in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo oo mid kasta wuxuu sheegayaa dhibaatadii uu soo maray inuusan dooneyn in dalkiisa dib uu ugu laabto, hadana dhalinyarada ayeey uga digayaan in Libya ay u tahriibaan.

Mid kasta oo ka mid ah dhalinyarada Somaliyed ee Xabsiyada dalka Libya ku jira wuxuu ku fekerayaa inuusan Somaliya dib ugu soo laaban, isaga oo aan gaarin hadafkii uu u baxay, marka la eego qarashaadka badan ee waalidkiisa ay ku bixiyeen oo looga sii daayay gacanta magafayaasha dalka Libya.