Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo booqasho ku tagay safaaradda.
Booqashada Guddoomiye Cali Shiine ayaa qeyb ka ah xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha isboortiga Soomaaliyeed iyo safaaradaha dalka ku leeyahay waddamada caalamka, iyadoo kulanka lagu soo qaaday doorka safaaradaha ee taageerada ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya tartamada caalamiga ah.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada diblomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaaliya ay u hayso qaranka, isaga oo si gaar ah u xusay kaalinta uu Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ka qaatay la socodka xaaladda ciyaartoyda iyo masuuliyiinta Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 15-ka sano (U-15), intii ay ku sugnaayeen dalka Azerbaijan.
Cali Shiine ayaa Danjiraha uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socday xaaladda xulka qaranka, garab-istaaggii iyo taageeradii uu u muujiyay ciyaartoyda iyo masuuliyiinta kooxda. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay soo dhaweynta iyo dadaallada ay Safaaraddu ku bixisay sidii xubnaha xulka qaranku ay u heli lahaayeen taageerada ay u baahnaayeen intii ay ku jireen dalka Azerbaijan.
Dhankiisa, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed warbixin ka siiyay hawlaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee Baku, iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay waddo si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Danjiruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha Soomaaliyeed ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo ay la sameeyaan safaaradaha dalka dibaddiisa ku yaalla, si loo fududeeyo howlaha qaranka, loona taageero muwaadiniinta iyo kooxaha Soomaaliyeed ee safarrada shaqo, waxbarasho iyo tartamada isboortiga ugu taga waddamada kale.
Kubadda cagta ayaa ka mid ah qeybaha isboortiga ee Soomaaliya ay dadaalka ku bixinayso horumarintooda, iyadoo ka qeybgalka tartamada caalamiga ahi fursad u siinayo ciyaartoyda da’da yar inay helaan waayo-aragnimo, korna u qaadaan xirfadahooda.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda wada-shaqeynta Safaaradaha Soomaaliya iyo hay’adaha isboortiga, gaar ahaan marka ay ciyaartoyda qaranku u safraan waddamada dibadda si ay uga qeybqaataan tartamada heer gobol iyo heer caalami.