Danjire Fiqi oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Finland

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Suldaan Saciid Axmed.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadintaNabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadintaNabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Suldaan Saciid Axmed uga mahadceliyey booqashada uu ugu imaaday xafiiskiisa.