Darawal moto bajaajla ah Oo latoogtay

Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa barkhanimadii maanta waxa uu si barer ah meel ku dhaw isgoyska Sanca ugu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Qaar ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa xaqiijiyay in askariga uu qaladka lahaa, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada Mootada ku shaqeysata ay halkaasi ka dhigeeen banaanbax kooban oo falkan ay uga soo horjeedaan.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay askariga falkan geystay inuu baxsaday, balse ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan, gacantana lagu soo dhigi doono.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Saddex maalmood kahor ayay aheyd markii askari Boolis ah uu baratamaha magaalada Beledweyne ku toogtay Yaasiin Cali Saney oo Mooto Bajaajle ahaa, kaasi oo dilkiisa uu ka dhashay colaad hor leh oo khasaare dhalisay.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.